MD Waare oo Gudoomiye cusub u magaacabay Gobolka Hiiraan.

Wararka Maanta

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo xilkii Guddoomiyenimo laga qaaday Gudoomiyihii Hore Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Dabageed oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa eedeyn kulul u jeediyey Madaxweyne Waare, waxaana muuqata inuu ka warqabay xilka qaadistiisa.

Dhanka kale Madaxweyne Waare ayaa isku dayaya inuu maamulka Hirshabeelle si muuqata uga shaqeyo gobolka Hiiraan oo ah gobol dhaqaale badan maamulku ka heli karo.