Abiy Ahmed oo booqasho ku tagaya Suudaan

Wararka Dibadda Wararka Maanta
Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa lagu waddaa maanta inuu booqasho hal maalin ah  ku tago dalka Suudaan,iyadoo ujeeddada booqashada lagu sheegay inay la xiriirto sidii uu u dhexdhexaadin lahaa dhinacyada Suudaan, sida waxaa laga soo xigtay safaaradda Itoobiya ee Khartoum.

Ilo-wareedyada ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in Abiy uu la kulmi doono Golaha Militariga Suudaan iyo isbahaysiga xooggagga xoriyadda iyo is-beddelka, inta lagu guda jiro booqshadiisa halka maalin ah.

Booqashada Abiy  ee dalka Suudaan ayaa ku soo aaddaysa xilli golaha ammaanka iyo nabad-galyada Midowga Afrika ay Suudaan ka hakiyey xubinnimadii iyo dhammaan dhaq-dhaqaaqyadii ururka, inta dowlad rayid ah looga dhisayo dalkaas.
Golaha ayaa go’aankan ku dhowaaqay kaddib kulan ay xubnaha golaha ku yeesheen khamiistii magaalada Addis-Ababa.
Go’aanka ayaa ka dambeeyey kaddib markii dhowaan ay sare u kaceen rabshadaha dalka Suudaan, ayada oo ciidammada ammaanka ay toddobaadkan dileen dad ka badan 100 qof oo dibad-baxayaal ah.
Isha: Hiiraan Online