Gaadiidleyda Muqdisho oo shaqo joojin Sameeyey

Wararka Maanta

Gaadiidleyda gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin ka dib markii ay sheegeen in laga qaadaayo lacago aad u farabadan oo aysan awoodin.

Waxaa ay sidoo kale sheegay in ay maanta dhigayaan bannaan baxyo waa weyn oo ay uga soo horjeedaan lacagaha sharci daro ah  ee ay ka qaado mid ka mid ah shirkadaha ka howgalla Magaalada Muqdisho.

Gaadiidleyda ayaa sheegay in ay ogol yihiin lacagtii ay ka qaadi jirtay dowladda Soomaaliya ,laakiin ay jiraan lacago lagu sheegay caymis oo ay ka qaado shirkad Gaadiidleyda u soo martay dowladda Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho shalay waxaa shir jaraa’id ku qabtay Gaadiidleyda ka shaqeysa Muqdisho, waxaana ay ka hadleen cabasho ay sheegeen in ay ku heyso shirkada ceymiska ee Takaaful.

Waxa ay sheegeen in ay dhib ku qabaan lacago xad dhaaf ah oo laga qaado Gaadiidleyda, taas oo aan waxba loogu qaban, inkastoo lacagaha Maamulka Gobolka Banaadir uu qaado wadooyinka lagu dhiso.

Gaadiidleyda ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in hada ay soo baxday shirkad cusub oo Takaaful la yiraahdo, taas oo si cad Gaadiidleyda uga qaada lacago ay ku sheegeen Ceymis, waxaana ay sheegeen in ay adeegsanayaan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Comments are closed.