Beesha Caalamka oo shuruud ku xirtay Dhaqaalaha Doorashada Soomaaliya

Wararka Maanta

Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa shuruud ku xiray bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada ee ay horay Beesha Caalamka u balanqaadeen, waxaana ay dalbadeen in qeybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato doorashada inay si habsami ah u socoto, kana bilaabato saddex dowlad goboleed, isla markaana lacagaha khidmada Musharaxiinta Xildhibaannada lagu soo shubo Bankiga Dhexe.

Sidoo kale qeybta labaad ee dhaqaalaha ay bixin doonaan markii saddex meelood labo meel laga qabto doorashada dhammaan goobaha ay ka dhaceyso doorashada.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Federaal.