Maxuu Yusuf Garad ka Aaminsan yahay Safarka MD Farmaajo ee Kenya

Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ayaa caawa u hoyday Nairobi ka dib markii ay ku soo wadahadleen Addis Ababa. Waxaa wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ethiopia. Waxaa qorshuhu yahay in Arbaca ay is arkaan Madaxweynaha Kenya.

Soomaaliya iyo Kenya ayay Ethiopia dooneysaa in ay dhexdhexaadiso.

Khilaafka soohdinta badda ee labada dal ee sida la rumeysan yahay ay shidaalka iyo Gaas dabiici ahi ay ka buuxaan ayaa toddobaadyadan taagnayd. Xiriirka Diblomaasiyadeed ee labada dalna waxay Kenya goosatay in hoos loogu dhigo heer ku simayaal Danjirayaal in ay hoggaamiyaan labada Safaaradood ka dib markii Danjiraheeda Muqdisho ay soo ceshatay wadatashi awgiis, kii Soomaaliya ee Nairobi fadhiyayna ay u sheegtay in uu 24 saacadood gudahood ugu laabto dalkiisa wadatashina la soo yeesho Dowladdiisa.

Waan ku kalsoonahay Madaxweynaha Soomaaliya in uu wadahadalka, saacado ka dib la filayo in uu dhaco, uu sida ay tahay ugu daafici doono danaha Soomaaliya iyada oo isla markaana la ilaalinayo xiriirka nagala dhexeeya Kenya oo leh dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin mid bulsho, mid dhaqan, dhaqaale, amni iyo siyaasadba marka laga soo tago taageerada uu nala barbar taagnaa tan iyo burburkii oo ay ku jirto in uu marti geliyay shirkii lagu soo dhisay Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Xukuumaddii dalkeenna ka howlgashay 2004.

Iyada oo la xusuusan yahay in Soomaaliya oo saddex sano ka xornimo horreysay Kenya ay dhaqdhaqaaqii xornimo u dirirka ee Kenya markii uu socday ay marti gelisay Kenyan Kikuyu ah oo xubno ka ah dhaqdhaqaaqii Mau Mau.

Markii Kenya ay xornimada qaadatay oo Soomaaliya ay aragtay in Wajeer iyo Gaarisa iyo Gobolka Soomaalida oo dhan lagu daray Kenya, Soomaaliya waxay xiriirka diblomaasi u jartay Ingiriiska. Laakiin waxaa isla markaas uu Wasiir ku Xigeenkii Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya uu ballan qaaday oo uu saxaafadda u sheegay in Qaxootiga Kenya xuquuqdooda si buuxda ay u ilaalineyso Dowladda Soomaaliya.

F G..
Dacwad ayaa u dhexeysa labada dal ka socota Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda oo ka tirsan Qarammada Midoobay kuna taal magaalada Hague. Labada dal midkiiba ugu yaraan saddex jeer ayuu kiiskiisa ka jeediyay goobtaas. Dacwadda waxaa ICJ geeyey Dowladdii ka horreysay Dowladda hadda jirta.

Kuwaas oo kulligood aan goob joog ka ahaa waxaad doodihii ka akhrisan kartaa bloggeyga, dokumentigii ay labada dal gudbiyeenna ka akhriso barta Maxkamadda ICJ.

Waa Qoray Wasiirkii Hore ee Arimaha Dibadda Somalia Yusuf Garad