Dhageyso: Itoobiya oo xirtay xadka ay la wadaagto degmada Balanbale

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Itoobiyaan-2

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud Mudane Cabdirisaaq Axmed Xalane ayaa sheegay in dowladda itoobiya xirtay xadka ay la wadaagto degmada Balanbale, iyagoona soo dhoobay ciidan farabadan.

Ciidamda itoobiya iyo dadka shacabka ah ayaa horey iskaga kala gudbi jiray labada dhinac ee xadka, Mr. Xalane ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta keentay arintan ayna la socodsiiyeen Madaxda Dowlad goboleedka Galmudug.

Xalane ayaa intaa ku daray in ay la xariireen saraakiisha ciidamada itoobiya ee xadka jooga ayna u sheegeen in Amar ay ku siiyeen saraakiisha ka sareysa in ay xadka xiraan.

Degmada Balanbale oo ku taala xadka Soomaaliya la wadaagto itoobiya ayaa todobaadkii hore waxaa la geeyey ciidamo ka tirsan Nabad suggidda iyo Sirdoonka Qaran qeybta Galmudug ka howlgasha, ciidamada ayaa tababar loogu soo xiray degmada Cabudwaaq.

Dhanka kale itoobiya ayaa waxaa ka socda kacdoon ay wadaan qowmiyada Oramada iyo Amxaarada, taas oo laga baqdin qabo in ay ku soo fiddo dhulka soomaali galbeed ee itoobiya heysato.

dhageysi

 

Comments are closed.