Waa Kuma Gudoomiyaha Cusub Maxkamadda Sare Soomaaliya?

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Ibraahim Iidle suleymaan , waxaana xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa horay u ahaa Agaasimaha fulinta ee Xarunta dhexe ee Xisbiga Waddani, Sidoo kale wuxuu soo noqday agaasimaha Shaqada iyo Arrimaha bulshada Maamulka Somaliland. Waxaa kaloo uu muddooyinkii u dambeeyay uu ahaa La Taliyaha Dhanka sharciga ee Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran.

Taariikhda waxbarasho iyo shaqo ee gudoomiyaha cusub ee maxakamada sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed: Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla UK.

Garyaqaan Baashe waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacad, qareen iyo cilmi baare sharci. Muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray hawlaha Garsoorka iyo talo-bixinta sharciga.

Waxa ay wada shaqeyn dhexmartay hay’ado caalami ah oo ay kamid yihiin USAID, UNDP, UN WOMEN, IRI, Mercy Corps, UNICEF iyo Wasaarado ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo ay kamid tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn oo ka dhisan Somaliland.

Waxa uu sidoo kale la taliye kasoo noqday Maxkamadda Sare ee Dalka sanadkii 2016kii. Sidoo kale, Waxa uu muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa Ururka Isu-tagga Qareennada Somaliland.