Maxay Tahay RajadaTababare Jurgen Klopp Ee Horyaalka

Ciyaaraha

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa qirtay in kooxda  ku guuleysan karto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan ay u muuqato kooxda Manchester City.

Citizens ayaa dhibcaheeda hoos u dhigtay hal mar sagaalkii kulan ee ugu horeeyay horyaalka, iyagoo sii wadaya guulahooda ay  gaarayaan waxayna 3-0 ku garaacay Burnley galabnimadii sabtida.

City oo ku guuleysatay 11-kulan oo isku xigta tartamada oo dhan in ay badiso, ayaa haatan shan dhibcood oo nadiif ah hogaanka horyaalka ku heysa , oo waxay todobo dhibic ka horeysa kaalinta sideedaad kooxda fadhisa ee Liverpool.

Klopp ayaa ku booriyay ciyaartoydiisa Reds in ay sii wadaan rajada ay ka qabaan inay soo afjaraan tartanka, inkastoo todoba bilood oo xilli ciyaareedka ah ay weli fursad ah heystaan.

Liverpool ayaa ku wajaheysa Tottenham Hotspur garoonka Wembley Stadium galabnimadii Axada, iyagoo raadinaya guushii seddexaad ee kulankii sagaalaad.