Laurent Koscielny Oo Qaba In Alexis Sanchez Uu Diirada Saaro Kooxdiiisa

Ciyaaraha

Daafaca Arsenal Laurent Koscielny ayaa taageeray Alexis Sanchez inuu ku soo laabto qaab ciyaareedkiisii ​​ugu fiicnaa, inkastoo uu ku sigtay xagaagan inuu ka tago Emirates Stadium.

Ilaa iyo inta uu xirmayay suuqa kala iibsiga, Sanchez – oo heysta wax ka yar hal sano oo qandaraaskiisa ah – ayaa si aad ah loola xiriirinayay Manchester City ama Paris Saint-Germain.

Si kastaba ha ahaatee, Sanchez ayaa ku soo laabtay line-upka kulankii ay 2-0 kaga badiyeen West Bromwich Albion ee horyaalka Premier League, Koscielny ayaana sheegay inuu xidiga reer Chile sii wadi doono qaan coiyaareed wanaagsan isbuucyada soo socda.

32 jirkaan ayaa soo xigatay The Express isagoo yiri: “Alexis waa ciyaaryahan muhim ah, waana ogahay inay aheyd xaalad adag oo suuqa kala iibsiga laakiin haatan waa ay dhamaatay waxaana qabaa inuu diirada saarayo shaqadiisa, waxqabadka iyo naadigiisa.

“Waa ciyaaryahan Arsenal ah, waana uu ogyahay inuu u baahan yahay inuu ciyaaro, wuxuu u baahan yahay inuu goolal dhaliyo, islamarkaana ka caawiyo inuu  fiicnaado.

“Wali wuxuu shaqeynayaa maalin kasta sida uu horay u sameeyay, sida ugu muhiimsan waa inuu madaxiisa ilaaliyo oo uu ciyaaraa kuna raaxeystaa.”

Sanchez ayaa dhaliyay hal gool lix kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

W/Q Hafsa haji