Manchester City Oo Xaqiijisay Saxiixa John Stones

Ciyaaraha

Manchester City ayaa xaqiijisay saxiixa John Stones ee kooxda Everton iyagoo ka sxiixaday  heshiis lix sanno ah.

Xiddiga reer England, ayaa Everton ka soo biiray Barnsley lacag dhan £ 3 milyan sanadkii 2013, waxaa la rumeysan yahay in naadiga labada jeer Premier League kooxda heysata horyaalka ay ku qaateen £ 47.5m –  iyagoo ka dhigay daafaca ugu qaalisan Britain.

daafaca dhexe oo heshiiskiisa Etihad Stadium socon doona ilaa 2022, ayaa loo magacaabay xulka Champions League soo dhigay website-ka UEFAee City saaka ka hor inta aan la dhameystirin hishiiska.

City waxa ay si rasmi ah ugu dhawaaqay saxiixa Stones,  isaga oo ka dhigan ciyaaryahanka siddeedaad ee kooxda tababare Pep Guardiola xagaagan.

CpaLURtWIAAvdqG

Ilkay Gundogan, Nolito, Oleksandr Zinchenko, Aaron Mooy, Leroy Sane, Gabriel Ciise iyo Marlos Moreno ayaa hore u imaaday kooxda.

Stones uu xiran doonaa maaliyada number 24 xilli ciyaareedka soo socda.

3 thoughts on “Manchester City Oo Xaqiijisay Saxiixa John Stones

Comments are closed.