Danny Welbeck Oo Ku Soo Laabtay Tababarka Arsenal

Ciyaaraha

3b95101a00000578-0-image-a-3_1482486706400

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in Danny Welbeck  uu ku soo laabtay tababarka kooxda koowaad maanta.

Ciyaaryahankii hore ee Manchester United ayaa dhaawac jilibka ah ku maqnaan  tan iyo bishii May oo waxaa hore loogu maleeynaayey inuu ku soo noqon doonin garoomada ilaa 2017.

Si kastaba ha ahaatee, Welbeck ayaa laga yaabaa inuu diyaar u ahaado  Gunners inta lagu jiro xilliga fasaxa ka dib markii Wenger uu xaqiijiyay in xiddiga reer England uu taam u yahay inuu bilaabo tababarka buuxa ee kooxda London.

W/D Hafsa Haji