Warqad xalay kasoo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayuu ku taageeray baaqii Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Warqaddan ayaa muujinaysa in Axmed Ducaale Xaaf meel cidlo ah soo istaagay kadib markii Ahlu Sunna oo uu isku haleynayey ay dagaalka uga baxeen. Waxaana sida aan xog ku helnay warqadan la diyaariyey maalmo ka hor, kadib markii Sheekh Cabdirisaaq Ashcari uu safar kooban ku tagay Muqdisho, halkaas oo isaga iyo Macalin Maxamuud heshiis hoose kula galeen Madaxweyne Farmaajo.
Waxaana la isla qaatay in aan la shaacin ilaa Xaaf kusoo laabanayo Dusmoreeb caasimadda Galmudug, iyagoo ka baqayey hadii isagoo maqan ay cadeeyaan taageeradooda in ay u badan tahay in uu saldhigto Galkacyo.
Guddi ka socday Ahlu Sunna ayaa xalay u tagay Axmed Ducaale Xaaf iyagoo ku wargeliyey mowqifka ay qaateen, Mr. Xaaf ayaa aad uga xumaaday arintaas sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.
Maxaa ku kalifay Ahlu Sunna taageeridda Farmaajo?
- Ahlu Sunna oo muddo 6 sano ka badan ku jirtay go’doon siyaasadeed, ayaa hadda garowsaday in aysan ku sii jiri karin go’doonkaas.
- Ahlu sunna oo garowsaday in ay ka faa’iideystaan fursadda maanta taagan oo ah in Madaxdii Qaranku diyaar u yihiin gorgortan siyaasadeed.
- Ahlu Sunna oo ay u muuqatay in Xaaf uu ku fashilmay siyaasadda, kadib markii si buuxda uu gacan ugu galay Axmed Madoobe iyo CabdiWali Gaas.
- Xaaf oo Ahlu Sunna kusoo kordhiyey khilaaf horleh, kadib magacaabistii Golaha Wasiirada.
- Xaaf oo lumiyey taageeradii inta badan Bulshada Galmudug.
Maxaa la gudboon Xaaf Ducaale?
- Inuu Ahlu Sunna ku raaco Mowqifka ay qaateen, dowladda dhexena taageero, isagoo ka xarig furanaya xulufadiisii Golaha Iskaashiga.
- inuu ka fadhiisto siyaasadda Galmudug, oo ah mid hardan badan ka jiro.
- inuu fadhiisin ka dhigto Gaalkacyo, oo ah goobta kaliya ee hadda uu iska soo abaabuli karo siyaasad ahaan.
Docwareenka Ahlu Sunna ku sameeyeen Xaaf ayaa muujinaysa oraahdii siyaasadeed ee aheyd SIYAASADU SAAXIIB JOOGTO AH MALEH, EE DAN JOOGTO AH AYEY LEEDAHAY.