Dadaallo Nabadeed Oo ka Socda Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud (Akhriso)

Wararka Maanta

Dilal Ku Saleysan Aanooyin Qabiil Ayaa Dhawaan Waxa Ay Ka Dhaceen Deegaano Dhaca Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Oo Ka Dhaxeeya qaar Ka Mid Beelaha Halkaasi Wada-Dega.

Dilalkaan Ayaa Si Gaar Ah Waxa Ay uga Dhaceen deegaano Hoos Taga Degmada Balan-bal Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Inkastoo Hadda Ay Socdaan Dadaallo Nabadeed Oo La Doonayo In Lagu Xalliyo Shaqaaqadaasi.

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Degmada Ayaa Ceelhuur.com U Sheegay In Arrintaan Marar Badan Kusoo Noq-noqatay Deegaanada Hoos Taga Degmada Balan-bal Waxa Ayna Beeluhu Inta Badan Isku Hayaan Arrimo la Xariira Dhinacyada Deegaanka Iyo Daaqa.

Jaamac Xeyle Max’ed Guddoomiyaha Degmada balan-bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Oo La Hadlay Ceelhuur.com Ayaa Waxa Uu Sheegay In Hadda Ay Socdaan Dadaallo La Doonayo In Lagu Dhameeyo Dhibaatadii Dhawaan Ka Dhacday Degmada.

Waxa Uu Xusay In dadaallada Nabadeed Ee Hadda Socda Ay Garwadeen Ka Yihiin Maamulka Degmada Iyo Wax-garadka Kasoo Kala Jeeda Beelaha Ay dirirto Ku Daxeyso.

Guddoomiye Jaamac Waxa Uu Tilmaamay In Uusan Weli Dhicin Wada-hadalkii Rasmiga Ahaa Ee Lagu Dhameynayey Shaqaaqada Balse Kaliya Lagu Guuleystay In La Kala Rararo Beelihii Uu Dhibku Ka Dhex-Dhacay.

Isku Dhacyo Ku Saleysan Aanooyin Qabiil Ayaa Mararka qaar Waxa Ay ka Dhaceen Deegano Iyo Degmooyin Dhaca Waqoyiga Gobolka Gal-gaduud Waxa Ayna Intoobada Isku Dhacyadaasi Ay Dhacaan Xiili Roobaadka Iyadoona Dhinacyada Dirirtu Ka Dhaxeyso isku Hayaan Dhinacyda Deegaanka Iyo Daaqa,