Marquinhos Oo Doonaya In Neymar Uu Ku Biiro Paris Saint-Germain

Ciyaaraha

marquinhos_3h0j0yr10wwi1qtfab0r93vk5

Daafaca kooxda Paris Saint-Germain Marquinhos ayaa shaaca ka qaaday in uu aad ugu baahan yahay saaxiibkiisa reer Brazil Neymar inuu ku soo biiro garoonka Parc des Princes.

Waxaa la fahamsan yahay in kooxda PSG ay diyaar u yihiin inay bixiyaan lacag rikoorka adduunka ah si ay ula soo wareegto Neymar , laakiin weeraryahanka ugu dambeyntii saxiixay heshiis cusub oo Camp Nou ah, kaas oo socon doona ilaa 2021.

si kastaba ha ahaatee, Marquinhos ayaa weli ku rajo weyn in kooxdiisa Faransiiska ay  awoodaan inay la soo wareegaan 24-sano jirkaan, oo dhaliyay 91 gool 154 kulan u saftay Barcelona tan iyo markii uu uga soo biiray Santos xagaagii 2013.

Marquinhos iyo Neymar ayaa labaduba ka qeyb ahaayeen xulkii Brazil ee ku guuleystay bilada dahabka ee ciyaaraha Olympic 2016.

W\D Hafsa Haaji

Comments are closed.