Waxaa saaka ka soconaya Magaalooyinka Baydhaba iyo Kismaayo diyaargarowga ugu dambeeyey ee la xiriira doorashooyinka Aqalka Hoose ee Barlamaanka cusub ee Soomaaliya, iyadoo ammaanka magaalooyinkaasina si weyn loo adkeeyey .
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in saddexda maalmood ee soo socota la qaban doono doorashooyinka ilaa iyo 23-kursi, kuwaas oo 8-da kursi ee ugu horreysa doorashadooda maanta la qabanayo, sida ay sheegeen guddiga doorashada ee dowlad goboleeda K/Galbeed ee Soomaaliya.
Tirada guud ee kuraasta Aqalka Hoose ee xubnaha ka imaanaya K/galbeed ayaa ah 69 kursi, Dhinaca kale, wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maanta loo tartami doono 7 kursi, iyadoo si weynna loo adkeeyey ammaanka magaalada. Waxaana tirade guud kuraasta Aqalka hoose xunaha ka imaanaya dowlad goboleedka Jubbaland ay yihiin 43-kursi.
Comments are closed.