Jurgen Klopp Oo Doonaya Inuu Sadio Mane Heshiis Cusub U Saxiixo Liverpool

Ciyaaraha

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in aysan aheyn qarsoodi ah in kooxda ay qorsheyneyso inay qandaraaska u cusbooneysiiso Sadio Mane.

Xiddiga reer Senegal, oo 30 milyan ginni kaga soo biiray Southampton sannadkii 2016, ayaa weli seddex sanno kale ka hartay heshiiskiisa haatan.

Warar soo baxayay todobaadkii lasoo dhaafay ayaa soo jeedinaya in Liverpool ay wadahadal la galeyso 25 jirkaan si uu ugu heyso Anfield 2021, si kastaba ha ahaatee, taasoo caawineysa inay iska ilowdo wixii ay ku soo iibsadeen.

Klopp ayaa u sheegay saxaafada shirkiisa jaraa’id ee Jimcihii: “Taas oo aan dooneyno inaan sii wadno ciyaartoyda si aan qarsoodi ahayn, waxaan dooneynaa inaan sii haysano Sadio  – kooxdaan sii xoojino , waa wax iska caadi ah. ”

Mane ayaa ku soo laabtay line-upka  kulankii Porto ee ugu dambeeyey  Liverpool, isagoo dhaliyay seddexleey.