Erdogan oo Booqasho Rasmi ah ku tagay Dalka Ruushka (Sawirro)

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Madaxweynayaasha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maanta ku kulmay magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka Madaxweynaha Ruushka  Vladamir Putin , Booqashadan ayaa ah tii u horeysay ee uu Erdogan ku tago Ruushka, kadib markii uu fashilmay isku daygii afgambi ee la doonayay in xukunka lagaga tuuro bishii la soo dhaafay.

Putin-Erdogan

Xiriirka Ruushka iyo Turkiga ayaa mugdi galay, kadib markii Turkiga uu soo riday bishii November ee sanadkii hore diyaarad dagaal uu Ruushka lahaa, taasoo duqeyn ka waday dalka deriska la ah ee Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dib u soo celiyo iskaashigii dhanka dhaqaalaha ee kala dhaxeeya Turkiga iyo xiriirkii diblomaasiyada.Putin-erdogan1

Erdogan ayaa u mahad celiyay dhigiisa Ruushka, markii uu cambaareeyay isku daygii afgambiga ee fashilmay.

Ka hor inta husan Erdogan ka dhoofin Turkiga waxaa uu sheegay in Putin uu yahay saaxibkiisa, isla markaana uu doonayo inuu bog cusub u furo xiriirka Ruushka.

putin-erdogan2

 

Comments are closed.