Andres Iniesta Oo Ugu Baaqay Barcelona Inay La Soo Wareegto Philippe Coutinho

Ciyaaraha

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaa ugu baaqay kooxda inay lasoo saxiixato Philippe Coutinho oo u ciyaara kooxda Liverpool intii lagu jiray suuqa kala iibsiga bishii Janaayo.

Coutinho ayaa ahaa mid ka mid ah bartilmaameedka ugu sareeya Barca xagaagii dhawaa laakiin seddex dalab oo ay ku doonaysay ciyaaryahanka reer Brazil waxaa ka hor imaaday naadiga liverpool.

Barca ayaa la filayaa inay dib u soo cusbooneysiiso xiisaha ay u qabto marka uu suuqa furmo bisha soo socota, Iniesta ayaana aaminsan in 25 jirkaan, iyo xiddiga reer Colombia Jerry Mina, ay ay ku fiicnaan lahaayeen kooxda Ernesto Valverde.

“Waxaan u maleynayaa inay noqon doonaan labo ciyaaryahan oo muhiim ah,” Iniesta ayaa sidaasi saxaafadda u sheegay.

“Hadii kooxdu dooneyso inay xoojiso boosaskaas, waa inay noqotaa ciyaartoy la isku diyaarin karo inay cadaadis saaraan cadaadiska koox sida tan, waxayna noqon laheyd labo saxiixood oo weyn, lakiin waxba ma aysan dhicin, sidaasi darteed waa adag tahay.”

Barcelona ayaa haatan shan dhibcood oo nadiif ah ku heysa hogaanka horyaalka La Liga iyo sideed ka sareysa kooxda kaalinta 4aad ee Real Madrid.