Madaxweyne Farmaajo oo maanta Xilka la wareegaya

Wararka Maanta

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa maanta ka dhaceysa Munaasabada xil wareejinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynhii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ku wareejin doona Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

FB_IMG_1486827540483

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb geli doona Guddoomiyaha Barlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari, qaar ka tirsan xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka, xubno ka socda Beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Shadoor Xaaji ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xil wareejinta ay bilaaban doonto 09:00 subaxnimo, si weyna loogu diyaar garoobay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajiyo iyo Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo shalay kulmay ayaa waxa ay ka wada hadleen xaaladda dalka uu ku sugan yahay, muhiimadda Dowladda cusub, fursadaha hor yaalla xiligaan iyo xil wareejinta maanta dhaceysa.

22-ka Bishan oo ku beegan Arbacada soo socota ayaa waxaa dhici doonta Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasi oo ay ka soo qeyb gali doonaan Madax ka socota dalalka Afrika iyo xubno kale.