Shabakadda Ceelhuur Online (ceelhuur.com) ayaa heshay sawiradii ugu horeeyey ciidamada huwanta, ciidamadan ayaa xalay ku hoyday duleedka Hobyo, ciidamadan ayaa saaka gudaha u galay magaalada Hobyo, waxaana la ogeyn ujeedada ay ciidamadu u galeen gudaha magaalada.
Shacabka magaalada ayaa tuban wadooyinka iyagoo eegaya ciidamadan oo wata gawaari farabadan, ciidamadan ayaa isugu jira ajnabi iyo Soomaali, waxaana ka kooban yihiin NISA, PIS Puntland, Daraawiishta Galmudug, DANAB, iyo ciidamo ajnabi.
Dhanka kale Alshabaab ayaa dhaqdhaqaaq ka wada inta u dhaxeysa Xarardheere iyo Ceelhuur, iyagoo isku diyaarinaya dagaal ay isaga caabiyaan ciidamadan, shacabka Magaalada Ceelhuur ayaa muujinaya walwal badan, maadaama ay u dhaxeeyaan labada ciidan, waxaana suurtagal ah in ay barakacaan hadii halkaas dagaal ka bilowdo.
wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com