Garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado ayaa maanta dib u bilaabay shaqadiisa, Waxaana maalmahaan ka socday dayactir lagu sameeynayey ranwayga garoonka, muddadii uu dayactirku socday ayaa waxaa hakad galay duulimaadyadii garoonka imaan jiray, garoonkan ayaa ka mid ahaa garoomada ugu duulimaadka badan Soomaaliya sanadkii tagay 2016.
Kadib aasaaskii Galmudug ayaa garoonka diyaaradaha Cadaado noqday mid aad mashquul badan, waxaana soo caga dhigta diyaaradaha nuucyadeeda kala duwan, garoonka ayaa mudooyinka waxaa ka socday horumarinta howlaha uu u qabto bulshada Galmudug.
Magaalada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa labadii sano ee la soo dhaafay marti galisay laba shir oo muhiim ah, taas oo sare u qaaday adeegsiga garoonka.
Ciidamada NISA iyo kuwa Amisom ayaa hadda gacanta ku haya ammaanka garoonka diyaaradaha Cadaado, waxaana garoonka furan yahay muddo ka badan 10 sano.