Wasiirkii hore ee Amniga :”Ciidamada Xasilinta sharci kuma dhisna”.

Wararka Maanta

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee Amniga Xukuumaddii hore ee Soomaaliya  ayaa sheegay in Ciidamada Xasilinta ee xilligan ka howl gala magaalada Muqdisho aysan sharciyad ku dhisneyn.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in qodobka 126aad ee Dastuurka uu ka soo horjeedo dhismaha ciidanka Xasilinta, isagoo xusay in markii hore ciidankan si KMG ah loo sameeyay sanadkii hore.

“Ciidamada loo yaqaan xasilinta sharci kuma shaqeeyaan, ciidan xasilin waa loo baahan yahay, balse wax kasta waxaa kala hagaayo sharciga, haddii Garsoorka iyo sharciga uu xumaado wax hagaagaya malahan, Ciidankaan xasilinta sharciyad malahan, waxayna ka soo horjeedaa qodobka 126-aad ee Dastuurka jiritaanka ciidanka xasilinta, waana waydiinay sharci ma haystaan KMG waaye ayuu dhahay illaa goormee ayeey KMG yihiin”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Cumar.

Xildhibaanka ayaa si weyn u dhaliilay qaabka ay u howl galaan Ciidamada Xasilinta, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in laga fikiro sharciga ay ku dhisan yihiin, si loo helo ciidan nidaamsan oo si sharci leh ku shaqeeya.

Ciidanka Xasilinta ayaa ka kooban afarta ciidan ee Soomaaliya leedahay, sida Booliska, Nabadsugida, Milateriga iyo Asluubta, waxaana ciidanka Xasilinta ay leeyihiin Talis gaar ah, iyadoo howshooda amniga ku kooban tahay Muqdisho kaliya.