Shil Gaari Oo Ka Dhacay Mudug Iyo Khasaare Ka Dhashay (Dhageyso)

Wararka Maanta

Wararka Maanta Aynu Ka Heleyno Qaybo Ka Mid Ah Gobolka Mudug Ayaa Kusoo Warramaya In Shil Gaari Uu Xalay Ka Dhacay Inta U Dhaxeysa Deeganada Bandiiradley Iyo Saddex-Higlo Ee Gobolka Mudug.

Gaariga Shilka Galay Ayaa Waxa Uu Ahaa Gaari Ciidan Gaar Ahaana Nuuca Soomaalidu U Taqaan Cabdi Bilaha Siday Ay Ceelhuur.com U Sheegeen Qaar Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Saddex-Higlo Ee Gobolka Mudug.

Max’ud Xaashi Yuusuf Oo Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Saddex-higlo Oo La Hadlay Ceelhuur.com Ayaa Tilmaamay In Sababta Ka Dambeysa Shilka Gaarigan Ay Tahay Mid ka Mid Ah Lugaha Dambe Ee Gaariga Oo Qarxay.

Goob-Joogahan Waxa Uu Xusay In Gaariga Shilka Galay Oo Ka Yimid Dhinaca Magaalada Cadaado Isla-Markaana Kusii Jeeday Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dhinaca Kale Max’ud Waxa Uu Sheegay In Uusan Jirin Dhimasho Ka Dhalatay Shilkaan gaariga Marka Laga Reebo Dad Markii Dambe U Geeriyooday Dhaawaca Oo Gaaraya Illaa Iyo Labo Ruux.

Dhaawaca Ayuu Sheegay In Uu Gaarayo Ilaa Iyo 11-Ruux Oo Gaariga Saarnaa Kuwaas Oo Afar Ka Mid Ah loo Qaaday Dhinaca Deegaanka Bandiiradley Halka Toddobo Kale Oo Dhaawac Ahna Loo Qaaday Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug.

Si Kastaba Waxaa Muddooyinkii dambe Qaybo Ka Mid AhGobolka Mudug kusoo badanayay shilalka Gaari, iyadoona loo sababeeyo burburka Waddooyinka iyo Darawallada oo si xawli ah u kaxeeya Gaadiidka, xilliyada ay marayaan Qaar Ka Mid Ah Wadooyinka Gobolkaasi.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Goob-Joogaha:-