Koonfur Africa:Helen Zille oo Sheegtay In Sdexdii Maalinba mar qubaysato

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Siyaasi u dhalatay dalka Koonfur Afrika, Helen Zille oo ah gudoomiyaha gobolka Western Cape, ayaa sheegtay in saddexdii maalmood ay hal mar qubaysato.

Sababta ayaa ah in gobolka Western Cape oo ku yaalla dhul buuraley ah ay ka jirto biya la’aan baahsan.

Biya la’aanta gobolkaas ka jirto ayaa ka sii dartay sanadkii ugu danbeeyay taasi oo sabab looga dhigay abaarta ka jirto qeybo ka mid ah Koonfurta Afrika.

“Hal mar ayaan qubeystaa saddexdii maalmood, inta kale gacmaha Ayaan dhaqdaa,” waxay sidaas ku qortay, Ms Zille, mid ka mid ah wargaysyada Koonfur Afrika.

“Waxa aan dhaqi jiray timahayga maalin waliba, balse hadda waxa aan dhaqaa marka aan qubaysanayo oo kali ah,” ayay intaa ku dartay Ms Zille.

Ms Zille, oo ah haweenaydii asaastay xisbiga mucaaradka ee Democratic Alliance (DA), ayaa dad badan ka nixisay ka dib markii ay shaaca ka qaaday jadwalka qubeyskeeda.

Balse shacabka ku nool gobolkaasi Western Cape kuma qoslayaan arrinta, sababtoo ah waxaa halkaasi ka jira biya la’aan baahsan oo saameysay.

Ma aha markii ugu horeysay oo Ms Zille ay sheegto hadalo muran dhaliyay. Mar aan fogayn ayay barteeda Tweeter-ka ku soo qortay in gumaysiga uu leeyahay dhinacyo wanaagsan.

Dabcan, qaar ka mid ah dadka Koonfur Afrika waxaa suuragal ah in qubeysiga badan ay ku garanayaan dadka dhaqaalaha haysta.

Shacabka Cape Town ku nool waxay ku tiirsan yihiin biyaha tubo dadka oo dhan ka dhexeyso, halka dadka ladan ay tubada guriga ugu xiran tahay.

Hadalkeedan ugu dambeeyay wuxuu u muuqdaa in dadka qaar uu soo jiitay, oo ay u arkaan qof la wadaagaya dhibaatada.

Hadaba maxaa sababay in ay ka hadasho qubeyskeeda iyo biyaha gurigeeda?

Cape Town waxaa saameen ku yeeshay abaarta Ms Zille oo ah siyaasi caan ka ah dalka Koonfur Afrika waxaa dhowaan lagu dhaliiyay warbixin lagu qoray wargeyska TimesLive.

Waxaa warbixintaas lagu sheegay in gurigeeda oo ku yaalla Cape Town lagu xiray qalab biyaha sifeeya ayadoo la adeegsanayo canshuurta dadwaynaha laga qaaday.

Ayadoo muujineysa in arrinta biyaha ay si dhab ah u qaadatay waxay tiri: “Waxaan isku deyaynaa in aan biyo yar isticmaalno, waxaana taasi nagu dhaliyay biyo la’aanta.”

Biyaha ceelasha gobolka Cape ayaa aad hoos ugu dhacay, ka dib saameynta abaaraha.

Sidaa darteed, waxaa la soo rogay xayiraad ah in qof kaste uu isticmaalo 87 litir oo biyo ah, maalintii. Gobolka waxaa ku nool lix milyan oo qof.