Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Qaraxii Lagu Dilay Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 12-Ka April.

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Taliyihii, Abaanduulihii iyo askar ka tirsan Qaybta 12-ka Abriil ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwaas oo ay miino dhulka lagu aasay kula qaraxday meel u dhaw deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa, ayaa looga tacsiyadeeyay geerida Saraakiishan iyo askartii la socotay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kaygaba, waxaan tiiraanyada la qaybsanayaa qoyskii, ehelladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen Taliyihii Qaybta 12-ka Abriil Marxuum Janaraal Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere), Abaanduulihiisii Marxuum Janaraal Cabdi Cali Jamaame iyo geesiyaashii kale ee la shahiidey.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in Saraakiisha iyo askarta la bartilmaameedsaday maanta ay dadaal ku bixiyeen sidii amni loogu soo dabaali lahaa dalkooda.

“Labada Janan iyo askartii kale ee ku shahiidday qaraxan waxay waqtigoodii iyo naftoodiiba u hureen soo celinta nabadgelyada dalkooda, waxayna dadaal badan galiyeen sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagixisada ah.

Qoraalka Villa Somaliya ka soo baxay, ayaa ugu dnabeyn lagu sheegay in xubnaha geeiryooday la xasuusan doono, maadaama ay muuqdaan waxyaabihii ay dalkooda uga tageen.

“Waddaniyiintan naftood-hurayaasha ah waxaa lagu xasuusan doonaa kaalintii ay ka geysteen xoreynta deegaanno badan oo hoos yimaadda Gobolka Shabeellaha Hoose.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa labada Janan iyo askartii kaleba Eebbe uga baryay in uu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo ehelladii ay ka tageenna uu sabir iyo iimaan ka siiyo.

Si Katsaba, Ku dhowaad 10 ruux ooa skar iyo Saraakiil isugu jirta oo kamid ah Xoogga daka, ayey Shabaab duhurnimadii maanta ku dileen Qarax miino oo ay u dhigeen wadada.