Itoobiya oo dhisaneysa Saldhigga Ciidamadeeda Badda

Wararka Maanta

Dowladda Ethiopia ayaa ku dhawaaqday saldhigga ciidamadeeda Badda kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu bishii April ee sanadkii hore uu shaaciyay in dalkiisu uu dib u dhisan doono ciidamadiisii Badda, kuwaas oo lakala diray 1993-dii kadib markii ay Eritrea ay ka go’day Ethiopia inteeda kale isla markaana ay Eritrea ay la go’day Aag Badeedka wajirka ahaa markii hore.

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay sida ay warisay warbaahinta Capita Ethiopia, in saldhigga ciidamadeeda Badda uu ahaan doono dalka Djibouti, halka taliska ciidamadaasina uu noqon doono magaalada Bahir-dar ee dalkeeda sida warbixinta lagu sheegay.

Sida ay warisay Warbaahinta Capita Ethiopia booqashadii bishii October ee sanadkaan ku tagay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, in ay arrintaasi ay ku heshiiyeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Dowladda France ayaa si xooggan taageerada dhismaha ciidamada Badda Ethiopia gacan uga gaysanaysa, iyadoo dhawaan la saxiixatay heshiis dhinaca difaaca ah oo ku kacaya adduun dhaqaale oo gaaraya 4 Billion dollar.