Waxaa la filayaa inuu magaalada Cadaado ka ambabaxaan Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, wafdigan ayaa ka qeybgalaya caleema saarka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Qabanqaabadii ugu dambeysay ee ambabaxa wafdiga Madaxweynaha ayaa ka socota xarunta Madaxtooyada Galmudug magaalada Cadaado, waana safarkii labaad ee Axmed Ducaale Aado kadib soo ifbixii khilaafka Madaxda Galmudug.
Dhanka kale waxaa wali ku xayiran xarunta Madaxtooyada Cadaado Madaxweyne ku xigeenka, gudoomiye ku xigeenka 2-aad, taas oo aysan jeclaysan Bulshada Galmudug.
Mr. Xaaf ayaa la filayaa in ay Jowhar isku arkaan Madaxda Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada, waxaana la filayaa inuu ka qeybgalo shirka 28 bishan ka dhacaya Magaalada Muqdisho.