Magaalada Jowhar, ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeele, ayaa waxaa ka socda qaban qaabada xaflada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeele, Maxamed Cabdi Waare, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka magaaladaas gaar ahaan hoolka lagu qaban doono xafladda.
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo xafladda sidoo kalena waxaa ka qeybgali doono madaxweyniyaasha maamul goboleedyada waana markii ugu horeeysay oo madal kuwada kulmaan Khayre iyo hugaamiyaasha Maamuladu tan iyo markuu soo if baxay Khilaafka Dowladda dhexe iyo Maamulada xubnaha ka ah.
Amaanka guud ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa Si wayn loo adkeeyay Ciidamada Nabad-sugidda iyo Booliska Dowladda Soomaaliya ayaana la dhigay Wadooyinka Muhiiimka u ah isku Socodka Magaalada jowhar waxaana Sugidda Amniga ka qayb qaadana Ciidamada Amisom.
Halkaan kala wararka la xariira Caleemasaarka Waare insha allah