Sawirro: Madaxweyne Xaaf oo gaaray Jowhar

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa goordhow gaaray magaalada Jowhar caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Jowhar, waxaa loo galbiyey gudaha magaalada. Madaxweyne Xaaf ayaa ka qeybgalaya Caleemasaarka Madaxweynaha Hirshabeelle.

Mr. Xaaf ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya wasiiro, xildhibaano iyo baratakoolka Madaxweynaha, Sidoo kale Madax kale oo uu ka mid yihiin Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in ay goordhow gaaraan Jowhar.