Madaxwayne Farmaajo waxuu muujiyay Bisayl Siyaasadeed 24-saac ee u danbaysay

Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa muujiyay biseyl siyaasadeed 24kii saac ee lasoo dhaafay ,marka la eego go’aankii uu maamul goboleedyadda ugu yeeray shir wadatashi ah 28ka bishan iyo safarkiisa wadamadda dariska ah ee Shalay ka bilaabanaya Uganada.

Cidna shaki ugama jiro in Somalia ay ku jirto ciriiri siyaasadeed xiligaan waxaana muhiim ah inuu Farmaajo muujiyo dabacsanaan iyo odeynimo si uu uga dabaasho marxaladaan, xitaa waxaan qabaa inuu tanaasul muujiyay xaaladaha qaar.

Go’aankii uu madaxweynuhu dalka ku galiyay guluf dagaal ayey dad badan dul duleelo u yeeleen tiiyoo hadda muuqata, askarta Dowladdu kuma filna iney jabiyaan Al Shabaab cid walba ayaana taas dareensan.

Amisom waa cududa qura ee uu heli karo madaxweyne Farmaajo, ciidan ka badan 30 kun ayaa dalka ka jooga waxeyna heystaan hub tayadiisu sareyso laakiin iney dagaalo dheeri ah qaadan waxey u baahan tahay iney amar ka heleen madaxdooda sidii horey u dhacday markii ay qaadeen weerarkii Badweynta India xiligii madaxweyne Xasan Shiikh, tani waa sababta uu saakay madaxweyne Farmaajo ugu safray Uganda, kadib Itoobiya, kadibna Jabuuti.

Si qorshaha dagaalku uu miro dhal u noqdo waa inuu jiro xiriir hagaagsan oo u dhaxeeya Dowladda iyo maamul goboleedyadda ,gaar ahaan kuwa ay deeganadooda ku xoogan yihiin Al Shabaab sidda Koonfur Galbeed, Hirshabeele, Jubbaland iyo Gal-Mudug.

Madaxweyne Farmaajo waxaa laga rajeynaya inuu xaliyo tabashadda Dowladd goboleedyadda waana nuuc ka mid ah waxyaabaha lagu tijaabinaayo tababarka uu ka heysto maareynta mushkiladaha siyaasadda.

Go’aanka ay qaataan madaxda wadamadda ay ciidamadu ka joogaan Somalia iyo nuuca uu noqdo is fahamka Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyadda ayaa lagu jaan goyn doonaa qorshaha dagaal ee madaxweyne Farmaajo iyo halka ay ku wajahan tahay Dowladiisu siyaasad ahaan.

W/Q: Cabdulaahi Cismaan Faarax