Kylian Mbappe Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Golden Boy

Ciyaaraha

Paris Saint-Germain xidigeeda Kylian Mbappe ayaa loo magacaabay abaalmarinta  Golden Boy.

Toddobaadkii la soo dhaafay, waxaa la ogaaday in Mbappe,  Ousmane Dembele iyo Gabriel Jesus ay ku tartamayaan abaalmarinta, taas oo la guduun siiyo da’yarka ciyaartoyda ugu fiican ee Yurub.

Si kastaba ha ahaatee, Tuttosport ayaa shaaca ka qaaday in Mbappe uu ku guuleystay abaalmarinta kadib markii uu helay 142 codad halka Dembele uu noqday booska labaad, saddexaad waxaa helay Jesus.

Xilli ciyaareedkii hore, Mbappe ayaa door muhiim ah ka ciyaaray Monaco oo ku guuleysatay horyaalka Ligue 1, iyo sidoo kale inay gaarto semi-finalka Champions League ka hor inta aysan ka reebin Juventus.

da’da yarkaan ayaa amaah ugu biiro Paris Saint-Germain, halkaasoo xiddiga reer France uu dhaliyay afar gool 11 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.