Maxuu RW Khayre ka yiri Bosaska Banaan ee Taliyeyaasha NISA Iyo Booliska

Wararka Maanta

Xasan Cali Khayre Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa wuxuu ka hadlay sababta loo magacaabi la’yahay Taliyeyaasha Nabad Suggida Iyo Booliska Somaliya.

Khayre ayaa wuxuu sheegay muhiimada inaysan aheyn magacaabis, balse ay tahay inay shaqada socoto, iyadoo la eegaayo dadka la jaanqaadi kara nidaamka dowliga ah ee hadda jira.

“Muhiimada ma’ahan in Taliye la magacaabo, muhiimada waxa ay tahay Boolis noocee ah ayaan u baahanahay, Nabad Suggida noocee ah ayan rabnaa, ciidamada NISA ee shaqeeya Saldhig noocee ah ayeey yeelan doonaan, waxaa muhiim ah in aan marka hore eegno aas-aaska, waxaa jooga dad ku simayaal ah oo shaqo fiican haayaa, oo aan aaminsanahay iyaga laftooda dalkaan wax u soo qabteen, dhameystirkoodana wuu imaanaya, sidoo kale ma’ahan in la iska ilaaway jagadaas banaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay masuuliyiinta xilalka dowladda loo dhiibaayo in lagu xulanaayo inay la jaanqaadi karaan siyaasadda dowladda ee xilligaan ay  ku shaqeynayso.

Wuxuu sheegay Xasan Cali Khayre, muhiim inay tahay masuuliyadda qaran ee dalka in dusha loo saaro qof ka soo bixi karo, marka la eego marxaladda dalka ee horay u socodka ah ee xilligaan lagu guda