Madaxa Juventus: ‘Ma jirto sabab loo iibiyo Paulo Dybala’

Ciyaaraha

Agaasimaha guud ee kooxda Juventus Giuseppe Marotta ayaa soo jeediyay in kooxda reer Talyaani aysan ka fiirsan doonin inay iibiso xiddiga weerarka Paulo Dybala qiima walba.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saarnaa Barcelona iyo Paris Saint-Germain xagaagii lasoo dhaafay, ka dib xilli ciyaareed fiican oo uu ku qaatay Turin.

Dybala ayaa sii waday inuu soo jiito xiisaha PSG isbuucyadii dhowaa, xitaa ka dib markii kooxda Faransiiska ay isku dayeen inay soo bandhigaan warar la isla dhexmarayay, laakiin Marotta ayaa rajeynaya 24 jirkaan inuu sii joogo Allianz Arena muddo dheer.

“Waa ciyaaryahan aad u xoogan, kaasoo ku tiirsan wax badan,” ayuu u sheegay Sky Italia. “Laakiin Dybala ayaan shaki ku jirin inuu sii joogi doona Juve, sidoo kale ma ahan inaan iibino , hadii uusan ciyaaryahanka isagu weydiisan.”

Dybala wuxuu leeyahay 44 gool 84 kulan uu u saftay Juventus, 14 ka mid ah ayaa yimid xilli ciyaareedkii 2017-18