Shkodran Mustafi Oo Ogolaaday Inuu Ku Biiro Arsenal

Ciyaaraha

Daafaca kooxda Valencia Shkodran Mustafi ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray kooxda Arsenal laakiin wali lama xaqiijin wax hishiis aha oo u dhaxeeyay  labada kooxood, sida ay wararka sheegayaan.

Gunners ayaa aad ugu baahan in ay keeno daafaca dhexe ka hor kulanka  furitaanka Premier League ee Liverpool  axada

Per Mertesacker iyo Gabriel Paulista ayaa dhaawac muddo dheer ah qaba labada ciyaartooy ayaa ka kala dhaawacan  jilibka iyo canqowga , halka Laurent Koscielny uusan weli  taam aheyn ka dib ka qeyb galkiisii Euro 2016.

Arsenal ayaa la fahamsan yahay inay wadahadalo cusub la gaartay kooxda Valencia oo ku aadan saxiixa £ 25m Mustafi horaantii isbuucaan, laakiin Sky Sports News ayaa sheegtay in labada koox aysan ka hishiin saxiixa.

Waxaa la sheegay in Mustafi uu isha ku haya inuu ku biiro kooxda ka dhisan Waqooyiga London, si kastaba ha ahaatee, waxa macquul ah in uu kasoo muuqdo kulanka Liverpool garoonka Emirates Stadium.

 

Comments are closed.