Sawirro: Banaanbax looga soo horjeedo heshiiska Galmudug iyo Ahlu sunna oo Cadaado ka dhacay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa ka dhacay Banaanbax weyn oo looga soo horjeedo heshiiskii ay jabuuti ku gaareen Galmudug iyo Ahlu sunna, Waxaana kasoo qeyb galay siyaasiyiin, Nabadoono iyo bulsho farabadan.

Dadkii ka hadlay Banaanbaxay ayaa sheegay in aysan aqbali karin burburinta Galmudug, Madaxweyne Xaafna uu ku tuntay sharcigii iyo dastuurkii u yaalay Galmudug, Kasoo qeybgalayaasha oo socod ku maray Bartamaha Magaalada ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin “Doono mayno burburinta Galmudug” “Dooni mayno Heshiiska Jabtuuti”.

Siyaasiinta la hadlay banaanbaxayaasha ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore Ximan iyo Xeeb Cabdi suldaan Axmed Nuur,  Madaxweyne ku xigeenkii maamulka Gobolada dhexe Ahlu sunna Cabdulaahi Daacad, iyo xildhibaano ka tirsan barlamaaka Galmudug.