Gareth Bale, Karim Benzema, Cristiano Ronaldo Oo Ka Maqan  kooxda Real Madrid

Ciyaaraha

Real Madrid ayaa waxaa ka maqnaan doona dhamaan seddexda ciyaaryahan ‘BBC’  ee weerarka kulanka Leganes, iyadoo Zinedine Zidane uu nasasiiyay seddexda ciyaaryahan ee lugta hore ee wareega 8da Copa del Rey.

Gareth Bale, Karim Benzema iyo Cristiano Ronaldo ayaa dhamaantood ka maqan kooxda 19ka ciyaartoy ee u ciyaaraysa caawa Estadio Municipal de Butarque.

Ronaldo ayaa ku dhibtooday inuu qaab ciyaareedkiisii  fiicnaa soo bandhigo xilli ciyaareedkaan, halka Bale uu dhawaan ku soo laabtay taam ahaanshihiisa, Benzema ayaan weli ku soo bilaaban sanadkaan 2018.

Lucas Vazquez iyo Borja Mayoral ayaa la filayaa inay ku dagaalamaan booska daafaca dhexe ee Los Blancos, kuwaasoo afar kulan oo isku xigta ku jira 10ka maalmood ee soo aadan.