London:Qaraxii tareenka oo Nin loo qabtay

Wararka Maanta

Booliska Ingiriiska ayaa qabtay nin 18 jir ah oo lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay qaraxii shalay London lagula beegsaday tareen mara dhulka hoostiisa.

Ninka oo lagu qabtay magaala xeebeedka Dover ayaa hadda su’aalo lagu weydiinayaa saldhig boolis oo halkaa ku yaal.

Neil Basu oo ka tirsan booliska Metropolitan-ka ayaa ku tilmaamay qabashada ninkan mid muhiim ah, balse waxa uu sheegay in weli ay sarayso khatarta weerarrada argagixiso eel ala beegsan karo Britain.

Soddon qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa lala beegsaday tareenka ku sugnaa xarunta Parsons Green.

Dadkaasi ayaa intooda badan qabay dhaawacyo sahlan oo markiiba guryahooda ayay aadeen marka laga reebo saddex qof oo weli ku jira cisbitaalka.

Booliska ayaa sheegay in aanay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonin heybta ninka ay hayaan.

Xarunta tareennada dhulka hoostiisa mara ee Parsons Green ayaa saaka dib loo furay ka dib qaraxii shalay.

 

@BBC