Wareega 1ad ee Doorashada Madaxwaynaha Hirshabeelle ayaa soo idlaalay waxaana ku tartamayay ilaa sideed Musharax oo kala ah
- Yusuf Hagar Daba-geed
- Cabdi Faarax Laqanyo
- Daahir Cabdulle
- Maxamed Cabdi Waare
- Cabdinasir Shirwac Maxamed
- Maxamed Caruush
- Cabdiraxmaan Xuseen Cadow
- Cabdikarim Cali Nuur
Waxaa isku soo haray labo Musharax oo kala ha Maxamed Cabdi Waare iyo Daahir Cabdule Cawaale ladaan musharaxa ayaa kala helay 44 afartan iyo afar Cod iyo 20 labaatan Cod sida ay u kala horeeyaan.
Cabdinaasir Xaaji Shirwac iyo Cabdi Faarax Laqanyo oo u soo godbay wareega labaad ayaa tanaasulay waxayna masraxa doorashada ka sheegeen inay la shaqayn doonaan Shaqsigii ku soo baxa doorshada
Xarunta ay ka dhacayso doorshada ayaa waxaa ka jira sawaxan iyo buuq waxaana Guddiga doorashada ku celcelinayaan in la dhowro nidaaamka Doorashada 97 mudane ayaa ku sugan goobta oo codaynaya waxaana qasaaray 18 kamid ah codadkii la dhiibtay taaso buuqa cirka ku sii shareertay
Dowladda Soomaaliya waxaa uga qayb gala Doorashada Hirshabeelle Wafdi uu hugaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa waxaa sido kale xarurta afarjano ku sugan Xubno kasocda Beesha Caalamka
Hirshabeelle ayaa Maanta yeelaysa Madaxwaynii badali lahaa Cali Cosoble oo Baarlamaanku xulka ka qaadeen 14 August Maxamed Cabdi Waare ayaana U muuqda inuu noqonayo Madaxwaynaha cusub ee Hirshabeelle yeelaynayso.
Halkaan kalo soco Natiijada insha allah
Ali Abdiwahab Aden
Ceelhuuronline