Akhriso:5 Arrin Oo Qasab Tahay In khayre uu kaga hadlo Shika Jimciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa:

Wararka Maanta

Bishan 19-25-keeda, waxaa magaalada New York ka furmaya shirka guud ee jimciyadda qaramada midoobey, Soomaaliya waxaa uga qeybgalaya ra’isul wasaare Xasan Kheyre, waa sanadkii 2aad uu kulanka ka baaqanayo madaxweyne Soomaaliyeed, sanadkii hore waxaa Muqdisho u matalayey wasiirka arrimaha dibadda Cabdisalaam Hadliye.

Ra”isul wasaaraha Soomaaliya ayaana lagu wada in uu shirka uga hadlo 5arin oo ay ad xooga u sarayso Xukuumadisu waxaana kamid ah.

  1. Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta: Dunida waxaa ay ka daashay maqalka dagaallada, gaajada, argigixisada iyo burcad-badeedda Soomaaliya, markan waa arrin fiican haddii khudbadda sanadkan laga dhex-arko arrimo la xiriira nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo wada hadal lala galayo Al-shabaab.
  2. Dhismaha Ciidamada Qaranka: Shirka ka dhacaya October magaalada Muqdisho waxaa looga hadlayaa dhismaha ciidamada qalabka sida, si ciidamada qaranka loo dhiso, waxaa loo baahanyahay lacag, hub iyo tababar joogta ah, arrimhaas oo dhan waxaa ka horeeya in laga qaado cuna-qabateynta hubka, shirkan waa fursaddii beesha caalamka loogu sheegi lahaa in la gaaray xilligii Soomaaliya laga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka.
  3. Dhaqaalaha: Soomaaliya waxaa la joogaa xilligii ay beesha caalamka u sheegi laheyd in deymaha laga cafiyo, isla markaana hey’adaha lacagta sida bangiga adduunka iyo IMF-ta ay wax ka bedeli lahaayeen sida ay ula dhaq-maan Soomaaliya.
  4. Maalgeshi: Soomaaliya waxaa ay u baahantahay maalgeshi, weliba mid ka yimaada dibadda, sidaasi darted waa in dowladda si fiican u suuq-geyso kheyraadka dalka, shirkanna looga faa’ideysto.
  5. Dalxiis: Soomaaliya oo ka faa’ideysa xubinta ay ka noqotay hey’adda dalxiiska adduunka ee waa in ay sheegtaa ahmiyadda dalxiiska, waxaa jira gobollo nabada ah si Puntland iyo Somaliland oo loo iman karo dalxiis, waxaa la gaaray xilligii laga gudbi lahaa cabsiinta dadka, lana dhiirigelin lahaa dalxiiska

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa: Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa waxaa ay ka mid tahay lixda hay’adood ee ka koobad tahay Qaramada Midoobey, waxa xubno ka ah 193 dal, hey’addan waxaa ay mas’uul ka tahay dajinta Siyaasadaha guud ee Caalamka, waa meesha looga codeeyo arimaha muhiimka sida Codeynta arimaha Amaanka, Nabadda.

Shaqooyinkeeda waxaa ka mid ah: Nabad ilaalinta, Xalinta Muranada, Meel Marinta Miisaaniyadda Qaramada Midoobey, doorashada xubnaha aan joogtada ayeyn ee Golaha Amaanka iyo xitaa Xogeyaha guud ee Qaramada Midoobey markii ay golaha amaanka soo jeediyaan.

Dowlad kasta waxaa ay leedahay hal cod marka laga reebo dowladaha aan bixin Ishtiraakaad ama Lacagaha Wadamada laga qaado, Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay dalalka aan loo ogoleen in ay codeeyaan.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Ceelhuuronline