Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa u soo magacaabay ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Aadan Cabdul Mulla oo u dhashay dalka Sudan.
Aadan Cabdul Mulla oo u dhashay Dalka Suudaan sidoo kalena heysta dhalashada Dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay ku xigeenka James Swan oo laftiisa Mareykan ah.
Aadan waxa sida kale oo uu noqonayaa Isuduwaha Arrimaha Gargaarka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
George Canaway oo u dhashay Dalka Canada aya hore u ahaa isuduwaha Arrimaha Gargaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Aadan waxaa uu ka soo shaqeeyay dalalka Ciraaq, Syria, Kuwait iyo meelo kale oo uu wakiil arrimaha gargaarka, sharciga iyo xuquuqda aadanaha ka ahaa isaga oo leh wax ka badan 30 sano oo Khibrad ah.
Shahaadooyinkiisa Jaamacadeed ee gaarsiisan ilaa PHD,waxaa ay u badanyihiin sharciga caalamiga ah iyo xiriirka dibadda.