Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed NUSOJ ayaa maanta magaalada Cadaado xarunta ku meelgaarka ah Galmudug ka furay tababar soconaya laba maalmood, waxaana tababarkaan ka faa’iideysana qaar ka mid ah wariyayaasha ka howlgala deeganada Galmudug, Gudoomiyaha NUSOJ Maahir Jaamac Aadan iyo xubno la socda ayaa shalay soo gaaray Cadaado.
Tababarka ayaa waxaa furay wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan Masagawaa, waxaana tababarkaan bixiniya Macalin Faarax oo ah Madaxa tababarada ururka NUSOJ. Ka qeybgalayaasha ayaa mudada uu tababarkaan socdo ku baran doona habka tabarinta wararka khilaafaadka iyo badqabka suxufiga.
Beri ayaa la filayaa in lasoo gabangabeeyo tababarkan, Suxifiinta Galmudug ayaa inta badan helin tababarada la xariira shaqadooda, inkastoo ay Galmudug ka mid ah meelaha ugu wanaagsan dhanka badqabka wariyaha.