Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda JFS oo Xafiis ka furatay Hobyo.”Sawirro”

Wararka Galmudug Wararka Maanta
Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda waxa ay ka furatay Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Xafiiskan laga furay magaalada Hobyo ee Maamulka Galmudug ayaa waxa uu qaban doona bixinta Basaboorka iyo kontoroolka dhaqdhaqaayada ka socda Garoonka Diyaaradaha iyo Dakada Hobyo.
Munaasabda xariga looga jarayay xafiiska ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka dagmada iyo dadka deegaanka waxa ay dhamaantood sheegeen in  baahi weyn loo qabay howlaha ay Qaranka u heyso Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, isla markaana ay uga mahadcelinayan masuuliyiintii ka soo shaqeysay in xafiiskan la furo.