Kulankii 3-Aad Maanta Waxa Uu Ka Baaqanayaa Golaha Shacabka Maxay Tahay Sababtu?

Wararka Maanta

Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa maanta ka baaqanaya kulankii 3-aad oo xiriir ah, kadib markii khilaaf uu soo kala dhex galay Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada qaar.

Sababaha loo baajiyay kulamadaan wararka qaar waxa ay sheegayaan in laga baqdin qabo muran ka dhasha khilaafka in uu fadhiga saameeyo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta kusoo wajahan si uu u saldhigo Muran siyaasadeedka ka dhex jira Guddoomiye ku xigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Golaha Shacabka iyo Xildhibaano katirsan Golaha.

Maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada ayay Xildhibaanada kulamadooda Caadiga ah yeelan jireen, fariin ballameedka fadhiga waxaa loo diri jiray 24-saac kahor si ay ula socdaan Ajendaha Maalintaas ay ka hadlayaan.

Khilaafka u dhaxeeya Guddoonka iyo Xildhibaanada qaar waxa uu ka dhashay Lacag la waayay halka loo isticmaalay sida ay sheegeen qaar kamid ah Xildhibaanada.

Guddiga Maaliyadda ee la kala diray ayaa warbixino ay soo saareen waxa ay ku sheegeen $50 Milyan oo Doolar oo boqortooyada Sacuudiga ku deeqday $20 Milyan kamid ah la waayay, inkastoo Wasaaradda Maaliyadda ay sheegtay in la hayo lacagtaas.

Gudoomiye Mursal oo  la hadlayey Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in maanta uu dalka dib ugu soo laabanayo si uu xal ugu gaaro is qab-qabsiga ka dhex jira ku xigeenadiisa iyo Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka.

Todobaadyadii lasoo dhaafay Afhayeenka Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal waxa uu ku sugnaa Dalka Turkiga, waana tan keentay in ku xigeenadiisa ay fadhiga Shir Gudoomiyaan.

Lama ogo waxa uu ku soo kordhin doono Gudoomiyaha Golaha Shacabka Muranka sababay in fadhiyada Golaha uu baaqdo, waxaana la sugayaa waxa uu ka badalo Xiisad Siyaasadeedka Taagan.