Heshiis Horu Dhac Ah Oo Laga Gaaray Colaadii Waqooyiga Gal-Gaduud (Sawirro)

Wararka Maanta

Waxaa Maanta Heshiis Horu Dhac Ah Laga Gaaray Xiisadii Sabatay Dhimashada 4.ruux Oo 11.kii Bisgan Ka Dhacday Deegaanka TURBi Ee Duleedka Degmada Balan-bale.

Hehiiskaan Oo Ay Si Wada Jir Ah Uga Shaqeeyeen Gudiga Xasilinta, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida Ee Qaybta 21.aad Iyo Talisyada Ciidamada NISSA Iyo Galmudug, Ugaasyada, Odaayaasha Dhaqanka Labada Dhinac, Cullumaa;udiin Iyo Bulshada Magaalooyinka Balanbale Iyo Guriceel Ayaa Waxaa Ka Soo Baxay Qodob Dhawr Ah Waxaana Halkaasi Ka Sheegay Cali yare Cabdi wardheere Iyo Axmed Caafi Oo Ka Mid Ah Gudiga Xasilinta Iyo Nabadgalyada
.
Markii Ay Soo Baxeen Qodobada Laga Gaaray Colaada Waxaa Aqbalay Ugaasyada Labada Dhinac Ugaas Axmed Barre Cali Taakooy Iyo Ugaas Xassan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur.

Ugu Dambayn Taliyaha Ciidamada Qaybta 21,aad Jeneral Cabdullaahi Aadan Xuseen CIRRO Ayaa Balan Qaaday Fulinta Heshiiska Ay Gaareen Labada Dhinac.