Cesar Azpilicueta Oo Hishiis Cusub Qalinka Ku Duugay

Ciyaaraha

3b57132700000578-4028804-image-m-15_1481634257418

Chelsea ayaa ku dhawaaqday  inay hishiis cusub ka saxiixatay xidigeeda ka ciyaara daafaca ee  Cesar Azpilicueta isagoo qalinka ku duugay sedex sano iyo bar kooxda ku ciyaarta Stamford Bridge.

Azpilicueta ayaa noqday ciyaaryahan muhiim u ah kooxda Blues tan iyo markii uu uga soo biiray naadida Marseille sanadii 2012.

difaaca spainshka ah ayaa kasoo muuqday dhamaan 15-ka kulan ee horyaalka Premier League, taasoo sii xoojinaysa mustaqbalkiisa naadiga reer London.

Azpilicueta ayaa kasoo muuqan doona Chelsea kulankiisii 200-aad marka ay ka hor imaanayaan habeenka arbacada kooxda Sunderland.

W/D Hafsa Haji