Eden Hazard Oo Meesha Ka Saaray Inuu Ku Biiraayo Paris Saint-Germain

Ciyaaraha

Weeraryahanka Chelsea Eden Hazard ayaa u muuqda inuu meesha ka saaray inuu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain, isagoo sheegay inuu kaliya ku  laaban doono kooxda Lille Faransiiska .

26 jirkaan ayaa dhaliyay 50 gool 194 kulan oo uu u saftay kooxda Lille intii u dhaxeysay 2007 iyo 2012, ka hor inta uusan ka tegin kooxda ka dhisan horyaalka Ligue 1.

PSG ayaa muddo dheer lala xiriirinayay ciyaaryahanka reer Belgium, laakiin Hazard ayaa sheegay in kaliya Lille ay awoodi doonto inay ku qanciso inuu ku laabto France.

Hazard ayaa la filayaa inuu bilowgiisii ​​ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka ku ciyaaro Chelsea kulanka EFL ee ay la ciyaarayaan Nottingham Forest habeenka Arbacada.

W/Q Hafsa haji