Kolo Toure Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ciyaaraha Ka Fariistay Islamarkaana Si Dhakhso Ah Ugu Biiray Shaqaalaha Kooxda Celtic

Ciyaaraha

Celtic ayaa ku dhawaaqday in Kolo Toure uu la shaqeyn doono macalin Brendan Rodgers isagoo qeyb ka ah shaqaalihiisa kooxda,waxa uuna  ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha kubada cagta.

36 jirkaan ayaa 17 kulan u saftay kooxda Bhoys tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, oo ay ku jiraan sagaal jeer oo ay ku guuleysteen guushoodii Scottish Premiership.

Si kastaba ha ahaatee, daafaca qibrada leh ee Toure ayaan loo soo bandhigin qandaraas cusub dhamaadka xilli ciyaareedkaan, laakiin Rodgers ayaa had iyo jeer doonaya inuu sii joogo xiddigii hore ee Ivory Coast isagoo qeyb ka ah qorshihiisa.

Isagoo qeyb ka ah doorkiisa cusub, Toure wuxuu la shaqeyn doonaa kooxda maamulka kubadda cagta ee Celtic, isagoo taageeraya arimaha tababaraha kooxda islamarkaana si dhow ula shaqeynaya Rodgers.

Toure ayaa sidoo kale u soo ciyaaray ASEC Mimosas, Arsenal, Manchester City iyo Liverpool intii uu ku jiray waayihiisa ciyaaraha, halka uu u ciyaaray xulka Ivory Coast 120 kulan.

W/Q Hafsa haji