Philippe Coutinho Oo Ku Soo Bilaanaya Kulanka Burnley

Ciyaaraha

Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Philippe Coutinho “diyaar noqon doono” si uu ugu soo bilawdo kulanka Liverpool ee Burnley  horyaalka Premier League todobaadkan.

Kubadsameeyaha reer Brazil ayaa si sahlan dib ugu soo laabtay  tababarka kooxda Isbuucaan, ka dib markii uu kursiga keydka fadhiyay kulankii Sevilla habeenkii arbacada isagoo si buuxda uga soo kabsaday kulankii Manchester City.

Coutinho ayaa ahaa bartilmaameedkii suuqa kala iibsiga ee xagaagii, waxaana la filaayay inuu u dhaqaaqo kooxda  xiiseynaysay ee Barcelona maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga Isbaanishka, inkastoo uu si rasmi ah uga maqnaa shaqada sababtoo ah dhaawac ka soo wajahay dhabarka.

Maqnaanshaha ganaaxa Sadio Mane, Klopp ayaa haatan u muuqda inuu diyaar u yahay inuu ku laabto ninkii hore ee Inter Milan kulankii galabta sabtida ee Anfield ka dhacaya.

Coutinho, ayaa xagaagii hore waxa uu dhaliyay 13 gool oo Premier League ah.

W/Q Hafsa haji