Shabaab oo 7 Ruux ku xiray Tuulo Barwaaqo gobolka Gedo

Wararka Maanta

Al-Shabaab ayaa la sheegay in Tuulo Barwaaqo oo 18-KM u jirta Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ay ku xireen 7 Qof oo labo ka mid ah ay yihiin Haween, sid ay sheegeen Dadka Deegaanka.

Shabaabka ayaa dadka ay xireen waxa ay ku eedeeyeen in ay wax ka maleegeen dilka Sarkaal Shabaab ka tirsanaa Shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray C/laahi Qanaas oo shalay Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku dileen Tuulo Barwaaqo, kadib Howlgal qorsheysan oo Ciidanka ay sameeyeen.

Dadkan la xiray ayaa la gala baxay guryahooda, waxaana lagu tuhmayaa in ay wax ka ogaayeen Hawlgalkii lagu dilay C/laahi Qanaas, sida uu sheegayo sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo ku sugan Gobolka Gedo.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa Shabaab ugu baaqay in ay soo daayaan shacabka ay heystaan, hadii taasi ay dhici weydana ay qaadi doonaan Howlgallo lagu soo furanayo dadkan.