Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka AC Milan Andre Silva marka suuqa kala iibsiga dib u furmo bisha Janaayo.
22 jirkaan ayaa San Siro kaga soo biiray FC Porto xagaagan islamarkaana shan sanno oo heshiis ah u saxiixay waxaana uu kaga soo dhaqaaqay lacag dhan 33 milyan ginni, halka uu lix gool ka dhaliyay Europa League oo uu u ciyaaray kooxdiisii hore.
Tababaraha Milan Gennaro Gattuso ayaa si maldahan u sheegay inuu diyaar u yahay inuu fasaxdo xiddiga reer Portugal xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xilli ciyaareedka soo aadan.
“Waa ciyaaryahan aad uwanaagsan, kaasoo sidoo kale aad u da ‘yar, waxaan qabaa inuu qiimeyn fiican ku leeyahay suuqa kala iibsiga, waa weeraryahan fiican, hadii aad ku bedesho liiska ciyaartoyda, waxaad si degdeg ah u heli doontaa iibsade Waxa si fudud loo iibin karaa, “ayuu u sheegay wariyaasha.
Barcelona ayaa sidoo kale la sheegay inay xiiseyneyso Silva.